Home Wararka Maanta Wiil iyo Aabihiis oo aano Qabiil loogu Dilay Hal Goob Galmudug

Wiil iyo Aabihiis oo aano Qabiil loogu Dilay Hal Goob Galmudug

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacday duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kadib markii hal goob lagu dilay wiil iyo aabihiis.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan u dhow caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, iyada oo lagu beegsaday qoys reer guuraa ah, oo ay weerareen maleeshiyaad hubeysan.

Aabaha ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Cabdi Shire, waxaana rasaas ku furay maleeshiyaadka, iyada oo wiil yar oo uu dhalay uu dhaawac ahaan isna u geeriyooday.

“Maanta waxaa dhacay dil lagu fuliyay nin reer guuraa ahaa oo ciddiisa soo rartay weerar ayaa lagu qaaday isagiina waa la dilay iyo wiil yar oo uu dhalay isna dhaawac ayuu u dhintay” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Meesha ay wax ka dhaceen waxaa la yiraahdaa Beer Xaadle, Dhuusamareeb ayay bari uga aadan tahay abaare waxay u jirtaa 40 KM” ayuu mar kale yiri.

Xaalada ayaa maanta kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aaga magaalada Dhuusamareeb oo ah halka uu dilku ka dhacay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Galmudug iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howlgala deegaanka, kuna dhacdadaasi.

Ad
Previous articleMasar oo billowday inay dhisto howlgalkeeda milateri ee Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin Bixitaanka ATMIS
Next articledowlada Talyaaniga oo ka Hadashay Sababta ay Baasabooorka Soomaaliga Uga Joojisay Visaha Dal ku Galka