Home Wararka Maanta Shirkii Golaha Wadatashi Qaran oo Maantay Warmurtiyeed Laga Soo saraayo iyo Axmed...

Shirkii Golaha Wadatashi Qaran oo Maantay Warmurtiyeed Laga Soo saraayo iyo Axmed Madoobe oo…..

0

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka golaha wadatashiga qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo qaatay maalmo badan, kadib markii uu hakad galay.

Shirka ayaa waxaa soo wajahay caqabado xoogan, kadib markii la’isku mari waayay qodobada qaar, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxaana isaga baxay madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa ka biyo diiday in la sameeyo muddo kororsi, si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin qof iyo cod ah, wuxuuna ku adkeystay in Jubbaland uu ka qabanayo doorasho dadban oo ku dhacda waqtigeeda.

Intaas kadib shirka ayaa hakad galay, waxaana kulamo gooni yeeshay madaxda isku soo hartay,  oo la filayo in ay soo saaraan go’aanno aysan qayb ka ahayn Jubbaland iyo Puntland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan la diyaarinayo war-murtiyeedka shirka golaha wadatashiga qaran oo lagu wado in maanta lasoo xiro, laguna dhawaaqo go’aannada ay gaareen madaxda isugu haray shirka.

Sida ay ogaatay Mudug24 Somalia ayaa haatan hirgalineysa qorshaheeda, waxayna diyaarineysaa war-murtiyeed ay la saxiixayaan madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle, iyada oo min hal sano loogu darayo Cabdicasiis Laftagareen iyo Axmed Qoor Qoor oo labaduba ay kusoo wajahan yihiin doorashooyin.

Si kastaba, waxaa horay madaxdii hore iyo siyaasiyiin mucaaradka ah ay uga digeen in la sameeyo muddo kororsi sharci-darro ah oo ay sheegeen inuu uga sii dari karo xaaladda siyaasadeed iyo khilaafaadka hadda ka jira dalka.

Ad
Previous articleAskari Lagu Dhex Dilay Shirkada Hormuud Qaybteeda Suuqa Bakaaraha
Next articleMasar oo billowday inay dhisto howlgalkeeda milateri ee Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin Bixitaanka ATMIS