Home Wararka Maanta Laftagareen oo amray inaan La’aasin Askartii Habeen Hore lagu laayay Afgooye

Laftagareen oo amray inaan La’aasin Askartii Habeen Hore lagu laayay Afgooye

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la kulmay xubno kamid ah maamulka degmada Afgooye, wuxuuna kala hadlay kiiska askartii habeen ka hor lagu laayey degmadaas ee ka tirsanaa nabad Sugidda Soomaaliya.

Sida ay xog ku heshay Warbaahintu, Madaxweyne Laftagareen ayaa maamulka degmada ka dalbaday in aan la aasin meydka askartii lagu laayey Afgooye.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dilka askartaas ku eedeeyay ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana jira khilaaf culus u dhaxeeya Madaxweyne Laftagareen iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Laftagareen ayaa maamulkiisa u sheegay in aan lagu kalsoonaan karin dowladda dhexe, lana aasi karin askarta dhimatay.

Sidoo kale Laftagareen ayaa ehellada iyo maamulka degmada Afgooye ku qanciyey inuu socdo baaritaan, isla markaana lagu xisaabtami doono kiiskaan, inta baaritaankaasi uu socdo ayuu dalbaday in aan la aasin meydka oo isaga laga war sugo.

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka NISA, sidoo kalena ahaa taliyihii amniga ee waaxda 21-ka Oktoobar ee degmada Afgooye ayaa habeen hore isaga iyo ilaaladiisa lagu dilay gudaha magaaladaas.

Gurigiisa ayaa saq-dhexe lagu weeraray, laguna dilay, weerarkaas waxaa geystay ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, sida markii horaba ay sheegayeen xogaha hordhaca ah.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Anwar, waxaana lala dilay saddex kamid ahaa ilaaladiisa, falkaas ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay caro xoogan, waxaana degmada Afgooye gilgilay banaanbaxyo dadweyne.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Amar Kusoo Rogtay Dekedaha Dalka Soomaaliya
Next articleBeelaha Sacad iyo Saleebaan oo Markale Xalay Dagaal Dhexmaray iyon Khasaraha Kala Gaaray