Home Wararka Maanta Saalax Axmed Jaamac oo Ka Hadlay Xilka qaadistii uu ku Sameeyey Senotar...

Saalax Axmed Jaamac oo Ka Hadlay Xilka qaadistii uu ku Sameeyey Senotar Cabdi Xaashi

0

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si adag ga horyimid tallaabadii uu shalay qaaday guddoomiyaha Aqalka Sare oo sheegay in uu waayay kursigiisii golaha, isagag oo sababta ku sheegay inuu soo xaadiri waayay kulamada Aqalka Sare muddo laba sano iyo bar ah.

“Sida ku cad qodobka 59aad farqadda 1aad ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayuu yiri Xaashi.

Saalax oo soo jawaabay ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday guddoomiyaha Aqalka Sare ay tahay mid sharci darro ah, isla markaana baal-marsan dastuurka dalka.

“Waxaan caddeynayaa in warqadda uu soo saaray guddoomiye Cabdi Xaashi in aanay lahayn wax saldhig sharci ah oo ay tahay waxba kama jiraan” ayuu yiri Saalax.

Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay Senatoradii diiday go’aanka guddoomiyaha ee shalay doodda ka keenay in golaha laga saaro Saalax Axmed Jaamac.

Cabdi Xaashi kuma ekaan in golaha uu ka saaro ra’iisul wasaare ku xigeenka, balse waxaa kale oo uu isku dayay in Ibraahim Iidle Suleymaan oo horey usoo noqday guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka uu ku buuxiyo booskaas kaas horay ugula tartamay kursiga, balse waxaa diiday Senatorada kale.

Arrintan ayaa dhalisay dood xoogan oo hareysay Golaha Aqalka Sare, waxaana qaar kamid ah xildhibaannada ay diideen qorshaha guddoomiyaha iyo inuu soo magacaabo xubin cusub.

Ad
Previous articleAlshabaab ku Sugnaa Ceelbuur oo Dagaal Culus lagu Qaaday
Next articleMooshin Culus oo La Doonaayay in Xilka looga Qaado Xamse Cabdi Bare oo Fashimay