Home Wararka Maanta Ciidamada Masar oo Si rasmi ah u imanaaya Soomaaliya

Ciidamada Masar oo Si rasmi ah u imanaaya Soomaaliya

0

Baaq siyaasadeed wadajira oo ay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ka soo saareen madaxda dawladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa lagu muujiyay taageerada loo hayo xoojinta midnimada, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo gobnimada Jamhuuriayadda Federaalka ee Soomaaliya.

Iyadoo Dawladda Federaalka ay si rasmi ah u soo dhawaysay soo jeedinta ah, in ciidamada Masar ay ka mid noqdaan hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Labada dowladood ayaa qalinka ku wada duugay in la iska diido wax kasta oo khatar ku ah midnimada iyo madaxbannaanida qaranimadooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdifitaax Al-Sisii waxay baaqooda ku sheegeen in la hormariyo, lana xoojinayo wadashaqaynta dawladaha Masar, Eritrea iyo Soomaaliya ee ku aadan awood siinta hay’addaha dawladda Soomaaliya ee la falgalidda loolannada gudaha iyo dibadda ee ay wajahayso.

Howlaha ugu muhiimsan waxaa laga qabanayaa xoojinta dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan argagixisada, una difaacaan xuduuddaha barriga iyo badda, isla markaana u ilaaliyaan wadajirka wadanka.

Labada Madaxweyne waxa kale oo ay soo dhaweeyeen cunaqabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya sanad kii hore.

Sidoo kale waxay boggaadiyeen kulankii golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika ee lagu go’aamiyay hawlgalka cusub ee Soomaaliya ee AUSSOM.

Ujeedada howlgalkaas waa in la taageero xasiloonida Soomaaliya, iyadoo la eegayo aragtida hortabinta u leh dawladda Soomaaliya, ciidamada Masar ayaa la qorsheynayaa in markii ugu horeysay ay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxay labada dhinac soo dhaweeyeen dalabka Masar ee ah in ciidamadeedu qayb ka noqdaan hawgalka cusub ee AUSSOM.

Howlgalkaan ayaa bedelaya howlgalka ATMIS ee hadda socda, waxaana la qorsheynayaa in lasoo gabagabeeyo, kan cusubna la bilaabo horaanta sanadka soo socda ee 2025-ka.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Dagaal Culus lagalay Ciidamada Itoobiya
Next articleIsrail oo Duqayn ku Laysay Ciidamada Qaramada Midoobay ee lubanaan