Home Wararka Maanta Alshabaab ku Sugnaa Galmudug oo Markale Saakay La Duqeeyey

Alshabaab ku Sugnaa Galmudug oo Markale Saakay La Duqeeyey

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka diyaarado dagaal oo hawada ka taageerayay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay duqeymo xooggan ka gaysteen bariga gobolkaasi.

Diyaaradaha ayaa duqeeyay aagga deegaanada Baraag Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladda ay cakiran tahay, isla markaana weerarka cirka ah uu bilowday saaka aroortii hore, waxaana barbar socda dagaallo toos ah.

Weerarkan ayaa daba socdo duqeymo shalay ka dhacay isla gobolka Galgaduud oo lagu laayay Al-Shabaab badan.

Warsaxaafadeed Sabtidii kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo si wadajir ah isaga kaashadeen ciidamada Xoogga dalka, kuwa Nisa, Macawiisleyda iyo saaxibada caalamiga ah lagu dilay illaa 50 ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa hawdka u dhaxeeya deegaannada Bida Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad la weeraray.

Sidoo kale waxaa la burburiyay gaari ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-Shabaab, halka sidoo kale cagta la mariyay xarumihii fariisinka u ahaa maleeshiyaadka la laayay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarka cirka ah ee lagula beegsaday gobolka Galgaduud.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa ka socda guluf ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo horay looga xoreeyay magaalooyin badan oo ka tirsan Galmudug.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Go’aan Culus ka Qaadatay Ciidamada Itoobiya
Next articleMaxay Sameeyeen 44 Ta Dhalinyarada ah ee Xabsiga Muqdisho Ladhigay