Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Go’aan Culus ka Qaadatay Ciidamada Itoobiya

Dowlada Soomaaliya oo Go’aan Culus ka Qaadatay Ciidamada Itoobiya

0

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maanta shir jaraa’id ku qatay xafiiskiisa ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda diblumaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeyso Itoobiya.

Wasiirka ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Itoobiya, wuxuuna sheegay in aysan ciidamadeeda qeyb ka noqon doonin howlgalka cusub AUSSOM, haddii aysan ka noqon heshiiska ay la gashay maamulka Somaliland.

Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka cusub uu dhawaan bilaaban doono, isla markaana uu beddali doono howlgalka ATMIS oo muddo dheer ka socday Soomaaliya.

“Howgalgalka cusub ee AUSSOM dhowaan ayuu billaabanaya wuxuuna badali doona ATMIS,  Itoobiya kama mid noqon doonto haddii aysan ka laaban heshiis beenaadka ay la gashay Maamulka Somaliland” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqdo inay dalka ka baxaan ciidamadaas oo ay ka horyimaadaan go’aanka Soomaaliya uu noqon doono ciidan gumysi ku qabsaday gudaha dalka, kadibna ay furan tahay in lala dagaalo.

“Itoobiya subaxa dowladda Soomaaliya ku dhawaaqdo in ay dhaqaajiso way dhaqaajineesa wixii intaa ka badan waa ciidan cumeysi oo dalka qabsaday oo in lala dagaalamo u baahan” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu dhawaan ka dhawaajiyay madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay xoog ku qabsadeen garoomada gobolka Gedo iyo waddooyin muhiim ah oo ku yaalla gobolkaasi oo dhaca koonfurta dalka Soomaalitya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa horay u diyaarsatay beddalka Itoobiya, waxayna dhawaan heshiis  la gashay Masar oo sidoo kale 10 kun oo askari usoo diri doonta Soomaaliya.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleShirka Golaha Wadatashi Qaran oo Maantay Hakad Ku jira Iyo Dadaalo Socda Wali
Next articleAlshabaab ku Sugnaa Galmudug oo Markale Saakay La Duqeeyey