Inkastoo ay weli furan tahay gogosha wada-hadalka ee Madasha Wadatashiga Qaran, haddana dad badan ayaa calaamad su’aal saaraya sida loo heshiin karo, iyadoo ay xoogaysanayso faafinta dacaayado siyaasadeed oo ka baxsan arrimaha dhabta ah ee ay dooddu ka taagan tahay.
Illaa iyo xalay waxaa warbaahinta qabsaday fasiraad u eg mid hal dhinac u xaglinaysa, taas oo ujeedkeeda loo fahmi karo dagaal warbaahineed oo ka dhan ah Axmed Madoobe.
Sida dhabta ah, doodda ugu weyn ee caqabadda ku ah miro-dhalka shirka Golaha Wadatashiga Qaran uga socda Xamar ay tahay aragtida doorashooyinka oo ay Villa Somalia ay u ololeyneyso qabashada doorasho qof iyo cod, iyo guddi doorasho oo mid ah, halka Axmed Madoobe uu doonayo doorasho u gooni ah.
Waxaa la isweyddiinayaa in xaaladdan cusub xal laga gaari doono, iyo in ay sidii hore loo arki jiray ku dhammaan doonto kala-tag iyo dacaayado hawada la isu mariyo oo natiijadeedu ay ku dambeynayso wixii la wada arki jiray.
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo