Home Wararka Maanta Shirkii Golaha Wadatashi Qaran oo Axmed Madoobe Dartiis u Furmi la

Shirkii Golaha Wadatashi Qaran oo Axmed Madoobe Dartiis u Furmi la

0

Shirkii madasha ayaa maanta furmi waayay, sabab la xariirta mawqifka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ee ah in aan mudo kororsi la aadine doorasho laga qabto dawlad gobaleedyada, taas oo ay diidan tahay Villa Somalia oo doonaysa doorasho qof iyo cod ah 2026ka, oo aan heshiis lagu aheyn wali & Sannad dheeraad ah oo ay hadda qaataan madaxda maamul gobaleedyada.

RW Xamse, ayaa 48 saac ee lasoo dhaafay juhdi kasta galiyey in Axmed Madoobe uu qanciyo, laakiin waa guuldareysatay, hadda Villa Somalia ayaa u dirtay Qoor-Qoor, Laftagareen & Saalax Jaamac in ay Madaxweyne Madoobe ku qanciyaan in shirka uu fadhiisto oo la sawiro, laakiin ilaa hadda waa adag tahay taas laftirkeeda.

Jubbaland ayaa November qorsheynaysa qabashada doorashada deegaankaas, si looga durko mudo kororsi iyo sharci darro.

Ad
Previous articleMaraykanka oo Duqayn La Dhacay Xuutiyiinta Yaman
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab Ku Sugnaa Galmudug oo Duqayn lagu laayay