Home Wararka Maanta Ganacsade Diiday inuu Furo Camerada CCTV oo Lagu Dilay Muqdisho

Ganacsade Diiday inuu Furo Camerada CCTV oo Lagu Dilay Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay mid kamid ah ganacsatada deegaanka loogu geystay xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Daahir Diirshe ayaa waxaa goobtiisa ganacsi ugu tegay rag afka soo duubtay, kadibna toogasho ku dilay.

Wararka ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay uu marxuumka hanjabaad kala kulmay kooxda Al-Shabaab, taas oo la xiriirta kaamirooyin uu ku xiray xaruntiisa ganacsi.

Ganacsadaha oo ka dhaga adeegay amar kooxda ayaa ugu dambeyn soo qorsheysay in la dilo, waxaana xalay sidaas ku toogtay maleeshiyaad ka tirsan kooxda oo baxsaday.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi dilka ah.

Horay sidaan oo kale Al-Shabaab ayaa u beegsatay goobo ganacsi oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda, waxaana xarumaha qaar lala beegsaday qaraxyo u geystay khasaarooyin lixaad leh.

Inta badan ganacsatada ayaa u hoggaansamay amarka dowladda, laakiin waxa ay u noqdeen dhibanayaal, maadaama ay beegsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ad
Previous articleXagee Xaalka Axmed Madoobe iyo Wadahadaladii Xasan iyo Xamsa?
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab Farabadan oo Halmar Hal Goob Lagu laayay