Home Wararka Maanta Xamse Cabdi Barre oo War Culus Kasoo Saaray Xiisada Itoobiya

Xamse Cabdi Barre oo War Culus Kasoo Saaray Xiisada Itoobiya

0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyay magaalada Muqdisho ayaa mar kale ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay difaaca qaranimada Soomaaliya, isaga oo ku booriyay shacabka inay ilaaliyaan wadajirka iyo madax bannaanida dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay doonayso labo jid midkood in ay xoog ku qaadato badda Soomaaliya ama in loo hirgaliyo heshiiska ay la galeen Somaliland.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta Masar oo xiisadda sii kordhisay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay iskaashi la samaysato dal kasta oo dan u ah dadka iyo dalka.

“Xaq-baan u leenahay haddii aan Soomaali nahay haddii aan dowlad kale u tegnay oo Carbeed oo aan dhahnay annagana na caawiya oo ay dheheen waa idin caawineynaan, micnaheeda ma’aha inaan ku duuleyno dowlad kale” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaruhu.

Ugu dambeyn wuxuu si xoogan u dhaliilay siiyaasiin uu sheegay in ay bulshada iska horkeenayaan, isla-markaana ay marin habaabinayaan arrinta badda oo uu tilmaamay in waajibka koowaad ay tahay in la difaaco.
Ad
Previous articleRa’iisul Wasaarihii hore ee Israel, Ehud Barak oo rajo xumo ka muujiyay in la xaqiijin karo guusha ay raadinayaan Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu
Next articleWasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Sheegay in Gardaduubo loosoo Xiro Laftagareen