Dagaal Beeleeskii ugu Cuslaa ayaa laga soo Warinayaa degaanka Balli-soonyaane oo dhaca inta u dhexeysa Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Maleeshiyaadka Dagaalkaan u dhexeeyo ayaa kasoo kala jeeda magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado, waxaana dagaalkan salka ku hayaa Dhul daaqsimeed iyo aanooyin qabiil.
Maamulka Galmudug ayaa ku fashilmay xakamaynta xiisaddaan oo maalmahaan halkaas ka taagnayd, isla markaana xal laga gaari karay, balse taag badalkeeda Madaxtooyada Maamulka ayaa ku mashquulsan xil ka qaadista dadka ay u aragto inaysan aragtidooda la jaanqaadayn iyo abuurista kooxo Baraha bulshada indho la’aan uga taageera.
Kol sii horeysay ayay ahayd markii shacabka Caabudwaaq uu u gacan galay hub ay wadeen Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka kaas oo saraakiil lagu dilay isla markaana shacabku dhacay, taas oo uu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ugu Hambalyeeyay, halkii shacabka hubka laga soo celin lahaa.