Maamulka GALMUDUG Ayaa Canbaareeyay Weerar Lagu Dilay Dad rayid ah Oo ka dhacay Duleedka Galdogob Ee Gobolka Mudug.
Xildhibaan Yonis Maxamed Shaare Oo ka mid ah Baarlamanka GALMUDUG Ayaa si kulul Uga Hadlay Weerar Dabley Hubeysani Caawa ka geysteen Aagga Degmada Galdogob Ee Gobolka Mudug.
Xildhibaan Yonis Maxamed Oo Qoraal Uu Warbaahinta la wadaagay soo Saaray Ayaa yiri”Waxaan sida ugu adag u cambaareynayaa falka wuxuushnimada ah ee caawa loo gaystay dadka xoolo dhaqatada ah ee lagu laayay duleedka Galdogob.
Kooxaha falkan ka danbeeyay waa kuwo aan matalin cidna, sidookale waa kooxo ka shaqeynaya inay burburiyaan Nabadda iyo isdhexgalka dadka walaaalaha ah ee ka soo jeeda galmudug iyo puntland.Waxay dhiirigalinayaan kuna shaqaynayaan afkaar xagjir ah iyagoo xagal daacinaya dagaalka lagula jiro kooxaha nabad diidka ah.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay