Home Wararka Maanta Midowga Afrika oo diiwaan-geliyay musharraxiinta u tartamaya xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika...

Midowga Afrika oo diiwaan-geliyay musharraxiinta u tartamaya xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika iyo Soomaaliya oo….

0

Midowga Afrika ayaa diiwaan-geliyay musharraxiinta u tartamaya xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, kaas oo horey ugu hanqal taageysay Soomaaliya.

Doorashadan oo dhacaysa bisha February ee sannadka soo socda ayaa waxaa loo diiwaan-geliyay afar musharrax, kuwaasi oo noqonaya musharrixiinta rasmi ah ee u tartamaya jagadan, kuma jirto Fowsiya Yuusuf Aadan.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo kamid ahayd musharrixiintii u horreyay ee sheegay inay jagadan u tartamayaan, rejo fiican ka laheyd ayaa tartankan uga hartay cadaadis uga yimid madaxda sare ee dalka.

Middan oo lagu micneeyay bahdil siyaasadeed iyo dhaawac sumcadeed oo soo gaaray Soomaaliya ayaa waxay madaxda Soomaaliya ku qanceen in musharaxeeda uu booska u banneeyo musharraxa ka socda dalka Jabuuti.

Soomaaliya ayaa muddo nus qarni ah sugi doonto si ay mar kale ay ugu tartanto jagadan.

Musharrixiinta u tartamaysa xilkan ayaa kala ah; Raila Odinga oo u dhashay dalka Kenya, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo musharixiin kale oo ka soo jeeda dalalka Mauritius iyo Madagascar.

Si kastaba, isla dhacdo middaan lamid ah dowladda madaxweyne Xasan ayaa dhowr bilood kahor diiday inay taageerto Xildhibaan Marwo oo isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka, laakiin markaas dowladda qiil waxay ka dhigatay inay Tanzania uga beddelatay taageerada xubinnimada ururka bulshada Bariga Afrika.

Ad
Previous articleSweden oo ku dhawaaqday inay Qaabileyso Qaxootiga ugu yaraa Mudo 50 sano ah
Next articleQodobada Xasaasiga ah ee Ku jira Sharciga Doorashooyinka ee Maantay Wasiiradu ansixiyeen