Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Golaha Wasiirada Oo Ansixiyay Sharci Xasan Shiikh ka...

War Deg Deg ah: Golaha Wasiirada Oo Ansixiyay Sharci Xasan Shiikh ka Farxiyay

0

Golaha Wasiirada ayaa goordhow ansixiyay Sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Xisbiyadda, kaasoo billow u ah mashruuca Madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashada Qof iyo Cod.

Sharciyaddan ayaa la fillayaa in la horgeeyo Golaha Shacabka, si looga doodo, waxaana calaamad su’aal saaran tahay hannaanka loo ansixin doono, maadaama Mucaaradka ay si weyn u diidan yihiin qorshaha doorashada ee Madaxtooyada.

Golaha wasiirada ayaa ansixiyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka iyo Kan Ururada iyo Xisbiyada.

Golaha Shacabka, hadda waxaa horyaala Hindise sharciyeedka guddiga Doorashooyinka, waxaana 3 Hindise sharciyeedka hadda loo gudbiyey uu kaabayaa kan guddiga, sadexdaba waxaa lafilayaa in ay 20 maalin gudahood ku ansixiyaan.

Sharcigaan waxaa Sidoo kale aad uraba Madaxda Maamul Goboleedyada Kuwaas oo Ku Helay Muda Korarsi dadban Koonfurgalbeed Galmudug iyo Jubaland ayaana Haata Waxaa Ka Dhaamada Mudo Xiloodkoodii Sharciga ahaa Waxayna Ku Marmarsiyonaayaan inay Qabanayaan Doorasho Qof iyo Cod ah Taas oo aan Haatan Loo diyaarsanayn

Ad
Previous articleCiidamada Itoobiya oo Ka Baxay Saldhigii Ugu Horeeyey Kadib Khilaafkii Soomaaliya Iyo Itoobiya(Sairo)
Next articleBeel kamid ah Beelaha Somaliya oo Lacag iyo Xoolo ugu deeqday Ciidanka Jubbland + Sawiro