Home Wararka Maanta Joe Bide oo Saraakiisha Amniga Qaranka Mareykanka Kulan Deg Deg Ah iskugu...

Joe Bide oo Saraakiisha Amniga Qaranka Mareykanka Kulan Deg Deg Ah iskugu yeeray

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Bide, ayaa kulan deg deg ah  isugu yeeray saraakiisha amniga Qaranka ee dalkaasi , xilli ay jirto cabsi iyo walaac xooggan oo laga qabo duullaan milatari oo dowladda Iran ku qaado maamulka Israa’iil.

Joe Biden ayaana kala hadlay saraakiisha amniga Qaranka ee Mareykanka tallaabooyinka ay qaadi karaan haddii ay Iran weerarto Israa’iil, waxa ayna saraakiisha is dhaafsadeen aragtiyo ku aadaan tallaabada uu Mareykanka qaadi karo si uu u difaaco Israa’iil.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaana ku wargaliyay saraakiisha amniga Qaranka uu la kulmay in ay diyaar garoobaan lana diyaariyo wax kasta ay ku garab istaagi karaan maamulka Israa’iil, haddii dowladda Iran duullaan ku qaado.

Dowladda Iran ayaa ku hanjabtay in weerar aargudasho ah ku qaadi doonto maamulka Israa’il oo gudaha Iran ku dhax dilay hoggaamiyihii ururka Xamaas Ismaaciil Haniya, waxaana laga walaacsan yahay nuuca weerar ee Iran ku qaadi doonto Israa’iil.

Ad
Previous articleCiidamada NISA oo lagu wareejiyay Sarkaal kii Alshabaab ahaa ee laga qabtay Galmudug
Next articleDuulaanka Iiraan ee Israel Waqtiga uu Dhacayo oo lagu Wargaliyay Wadamada G7 ka tirsan