Home Wararka Maanta Xiliga ay Iiraan weerarayso Israil oo la shaaciyay

Xiliga ay Iiraan weerarayso Israil oo la shaaciyay

0

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa xulafadiisa G7 ku wargeliyay in Washington ay rumaysan tahay in weerarka Iran ay doonayso inay ku qaaddo Israa’iil uu bilaaban karo 24–48 saacadood gudahood.

Sida ay baahisay warbaahinta Axios waxay sheegeysaa warbixinta in dhigiisa dalalkaas uu arrinta kala hadlay ayadoo uu Maraykanku wado dadaallo lagu qaboojinayo xiisadda, loogana hortagayo dagaal buuxa.

Blinken wuxuu u sheegay saraakiishaas uu telefoonka kul hadlay in Iran oo cadaadis lagu saaro inay xuduud u yeesho gulufkeeda ay tahay waddada ugu fiican ee looga baaqsan karo dagaal gobolka ka dhaca.

Wuxuu intaa ku daray in Ameerikaanka uusan ogeyn xilliga rasmiga ah ee weerarka ay Iran qorshaysay uu dhacayo, laakinse uu rumaysan yahay in dhakhsiyo uu u billaaban doono.

Aqalka cad ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu kulan la yeelan doono kooxda amniga qaranka, isagoo kala hadli doona xaaladaha ka soo cisboonaaday bariga dhexe. Wuxuu kaloo la hadli doonaa boqor cabdallaha Urdun sida uu aqalka cad sheegay.

Maraykanku wuxuu kaloo bariga dhexe u diri doonaa cudud ciidan kuwaasi oo difaac noqon doona “si hoos loogu dhigo xiisadda” sida uu aqalka cad sheegay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Antonio Tajani wuxuu sheegay Axaddii in wasiirrada arrimaha dibadda ee waddamadaas todobada ah ay ugu baaqeen dhinacyada qaybta ka ah xiisadda ka taagan bariga dhexeinay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara in xiisaddu sii kororto.

Xafiiska xogyahayaha difaaca ee Marykanka Lloyd Austin ayaa hadal laga soo saaray lagu sheegay inuu la hadlay dhigiisa Israa’iil Yoav Gallant fiidnimadii Axaddii

Wada-hadalkan ayaa salka ku hayay “xaqa ay Israa’iil u leedahay inay iska difaacdo” khatar kasta oo kaga timaada Iran iyo xulafadeeda, iyo talaabooyinka uu maraykanku qaadayo ee uun ku xoojinayo difaaca Israa’iil iyo ciidankeeda ee Gobolka, sida hadalkaas lagu xusay.

Qayb ahaan dadaalka lagu yareynayo dagaal gobolka oo dhan ku baaha, ayaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo boqor cabdallaha Urdun waxay ku baaqeen in laga fogaado xiisad milateri oo sii weynaata oo wax kasta oo ay ku kacayso.

Israel Yahom ayaa iyadana soo tebisay in Maraykanku uu ansixiyey shixnad bambooyinka culus ah, kuwaasoo la hakiyey ka hor intii uusan dagaalku qarxin 7 Oktoobar.

Iran waxay sheegtay in aysan doonayn in xiisadda ay ku baahdo bariga dhexe, laakiinse waxay rumaysan tahay in ay ciqaabto Israa’iil, si looga fogaado deganaasho la’aan gobolka soo foodsaarta.

Hadalkan oo ah qoraal uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Nasir Kanaani ayaa yimid, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladdu ay ka sii darto.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleShirka Golaha Watashi Qaran oo Ka Dhacaayo Kismaayo iyo Go,aano Xasaasi ah lafilaayo inay kasoo Baxaan
Next articleGalmudug oo soo Qabatay ninka tirsana Alshabaab