Home Wararka Maanta Maraykanka oo Dadkiisa ku yiri Tikitka ugu horeeya ee aad heli kartaan...

Maraykanka oo Dadkiisa ku yiri Tikitka ugu horeeya ee aad heli kartaan goosta

0

Safaaradda Maraykanka eek u taalla Beirut ayaa ku wargalisay dhamaan muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Lubanaan in ay goosteen “tigit kasta ee ay heli karaan”, xilli xiisadda ka taagan Bariga Dhexe ay cirka isku shareereyso.

Digniintaan ayaa sidoo kale waxaa loo diray muwaadiniinta Ingiriiska, waxaana wasiirka arimaha dibadda ee Ingriisku sheegay “in xaalku dhaqsi isu badali karo”.

Iran ayaa waxay wacad ku martay in ay si xun uga aargudan doonto Israa’iil, iyada oo ku eedeysay in ay masuul ka ahayd weerarkii ka dhacay Tehran ee lagu qaarijiyay hugaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniya magaalinkii arbacada. Shirqqolka dilka Haniya ayaa dhacay saacado uun ka dib markii ay Israa’iil sheegtay in ay Beirut ku dishay taliye sare oo ka tirsan ciidamada Xisbullah oo lagu magcaabo Fuad Shukr.

Cabsida ugu wayn ayaa waxaa laga qabaa in ururka Xisbullah ee fadhigiisu yahay Lubnaan in uu fuliyo aargudashada, taas oo horseedi karta in Israa’iil ay jawaabadag bixiso

Ad
Previous articleDaawo:- Dibad-bax weyn oo manta ka dhacay Magaalada Muqdisho, Shacabka oo Fariin diray
Next articleMaxay ahaayeen Labada Nin ee Maantay Jubaland Toogashada Ku Fulisay?