Home Wararka Maanta Rag Ka Tirsanaa Alshabaab oo Dil Toogashaa Sugaayay oo Ka Baxsaday xabsigaan

Rag Ka Tirsanaa Alshabaab oo Dil Toogashaa Sugaayay oo Ka Baxsaday xabsigaan

0

Afar kamid ah rag maxkamadaha Puntland horay ugu heleen dembiyo isugu jira dilal, qaraxyo iyo kamid ahaanshaha kooxda AS ayaa xalay ka baxsaday saldhig gaar ah oo kuyaal Bariga magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ciidanka ilaalada saldhigga ayaa la xaqiijiyey inay ku guulaysteen qabashada 8 kamid ah maxaabiista doonaysay inay baxsadaan halka afarta kalena ay fakad kayihiin gacanta laamaha ammaanka oo aan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadaan.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku muujiyey jiritaanka shaqsiyaad ku lug leh baxsashada raggaasi oo uu dowladda ugu baaqay in loo ciqaabo falkaan oo mid lamid ah Galkacyo ka dhacay 2022.

Raisal Wasaare Xamze oo la kulmay Bulshada Gobolka Sanaag

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ku

Dowlada Somaliya oo soo Dhaweesay Tageerada Dowlada Somaliya

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ,ayaa ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ka taageeri doonaan dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan ee argagaxisada ee ka dagaallama qeybo kamid ah dalka Soomaaliya. Lataliyaha

Ciidanka Amniga Muqdisho oo loo Gacan galiyay Nin Dil Geestay

Ciidamada booiiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgalla saldhigga degmada Dayniile , ayaa lagu wareejiyay nin dhallinyaro ah oo shalay afaafka hore ee xarunta degmada Dayniile ku dilay nin kale

Dowladda Soomaaliya oo SSC-Khaatumo u aqoonsatay maamul ka tirsan Dowladda Federaalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay saaxiibada caalamka ee taageera Soomaaliya inay ula dhaqmaan maamulka SSC-Khaatumo si lamid ah maamul-goboleedyada kale ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka

Madaxweynaha SSC Khaatumo oo Somaliland ugu baaqay Nabad Sharuud La’an ah

Madaxweynaha maamulka SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo Xalay ka hadlaayay munaasibad balaaran oo ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ugu baaqay Somaliland nabad iyo
Ad
Previous articleTurkiga oo Itoobiya U yimid Xalinta Xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya Xili Bisha Soosocota la Balansanyahay
Next articleDaawo:- Dibad-bax weyn oo manta ka dhacay Magaalada Muqdisho, Shacabka oo Fariin diray