Home Wararka Maanta Shacabka Yemen oo Taageeray Xuutiyiinta Dalkaasi si loogu Aargudo Ismail Haniyeh

Shacabka Yemen oo Taageeray Xuutiyiinta Dalkaasi si loogu Aargudo Ismail Haniyeh

0

Shacabka dalka Yemen ayaa Jimcihii taageeray go’aanka Ururka Xuuthiyiinta ay ugu aargudayaan dilka Israel lagu eedeeyay inay u gaysatay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh, ka dib bannaanbaxyo ay ka dhigeen magaalooyinka dalkaasi qaarkood.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al Houthi ayaa maalin ka hor iclaamiyay in Ciidamada Yemen ay u aargudi doonaan Ismail Haniyeh, Israel-na ay nafteeda eedi doonto, sida uu yiri.

Caasimadda Sanca oo kale boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay, si ay garab istaag ugu muujiyaan mowqifka Xuuthiyiinta.

Qaar badan oo ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa watay sawirrada Ismail Haniyeh iyo Abaanduulihii Garabka Militariga Xisbullah, Fu’ad Shukur, kuwaa oo laba maalmood oo isku xigta lagu kala dilay Magaalooyinka Tehran iyo Beirut.

Shacabka Yemen ayaa horey u taageeray weerarada ay Xuuthiyiinta ku bartilmaameedsanayaan maraakiibta, laguna go’doominayo Dekedaha Israel, si Tel Aviv loogu cadaadiyo in ay joojiso weerarada ay ka waddo Marinka Gaza.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa maraakiibta laga leeyahay dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Israel ku khasbay in ay ka cararaan marin biyoodyada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Sidoo kale maraakiibta kale ee ganacsi ee ku sii jeeda Dekedaha Israel ayaa ku khasbanaaday in ay joojiyaan isticmaalka marin biyoodyadaasi, si aysan bartilmaameed u nqoon, iyagoo adeegsanaya waddo wareeg oo kharash badan, waqtiga safarkana uu dheer yahay.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta ayaa ku hanjabay inaysan joojin doonin weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta, inta Israel ay waddo weeraradeeda naxariis darrada ah ee ay ku leynayso dadka reer Gaza.

Tan iyo markii ay Israel weerartay Marinka Gaza, xaaladda Bariga Dhexe ayaa ahayd mid kacsan.

Ad
Previous articleCiidamada Ukraine oo Duqeeyay Markab uu Leeyahay Ruushka
Next articleDowlada Somaliya oo Saraakiil Ciidan u Xir Xirtay Qaraxii ka Dhacay Xeebta Liido