Home Wararka Maanta Qarax kale oo lagu Hoobtay oo Maantay Dhacay?

Qarax kale oo lagu Hoobtay oo Maantay Dhacay?

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax miino oo khasaare xoogleh gaystay uu ka dhacay deegaanka Gololeey oo hoostaga degmada Balcad ee gobolkaasi.

Qaraxa ayaa haleeyay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo ka yimid magaalada Jowhar, kuna soo jeeday Muqdisho, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 7 qof, waxaana ka badbaaday hal qof kale, sida ay ku warrameen ilo wareedyadu.

Sidoo kale waxaa gubtay oo gebi ahaan basbeelay gaariga la qarxiyay, taas oo keentay in maydadka qaar la kala garan waayay maadaama ay gubteen.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle iyo kan degmada Balcad oo ku aadan weerarkaasi lagu xasuuqay shacabka la socday gaariga la qarxiyay.

Waddadda xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa marar badan sidaan oo kale uga dhacay qaraxyo la geliyay waddada, ayna ku dhinteen dad ku safrayay halkaasi, waxaana badanaa weeraradaas ka dambeysa kooxda Al-Shabaab.

Qaraxan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay weerar lagu dhammaaday uu ka dhacay xeebta Liido, kaas oo lagu xasuuqay shacab ku sugnaa xeebta, kadib markii xubno ka tirsan Shabaab ay beegsadeen halkaasi oo ay ku yaallaan hoteello iyo goobo muhiim ah.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleXubin Ka Tirsanaa Xisbiga Himilo Qaran oo Xalay ku Geeriyooday Qaraxyadii liido
Next articleWaan Arkaayay ninka Isqarxiyay Goobjooge Kawaramay Wixii Xalay uu arkay