Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa si dadban uga hadlay dilka magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran loogu geestay hoggaamiyihii ururka Xamaas Ismaaciil Haniyeh, kaa oo dilkiisa si weyn ugu farxeen Yahuuda Israa’iil.
Joi Biden ayaa sheegay in dilka hogaamiyihii kooxda Xamaas aysan saameyn ku yeelaneyn dedaalada socda iyo wadahadallada xabbad-joojinta ee la doonayo in laga gaaro dagaalka xooggan ee ka socda magaalada Gaza.
Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xiisadda kasii kordheysa Bariga Dhexe, waxa uuna sheegay in muhiim tahay in la sameeyo xal kasta oo colaada lagu joojin karo laguna heli karo xabbad-joojin.
Dilka loo geestay hoggaamiyihii ururka Xamaas ayaa uga dartay xiisada ka taagan magaalada Gaza, waxaana laga cabsi qabaa in dilkaasi jawaab celino xooggan ka bixiyaan dowladda Iran oo dalkeeda ka dhacay dilkan lagu eedeeyay Israa’iil iyo sidoo kale kooxda Xamaas.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay
Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka