Israa’iil ayaa markii u horreysay war ka soo saartay dilkii argagaxa ahaa ee loo geystay hogaamiyihii siyaasada kooxda Xamaas Ismacil Haniya oo lagu dilay magaalada Tehran
Iran ayaa weerarkaas ku eedeysay qorsheysay Israel, iyadoo wacad ku martay iney ka aargudan doonaan
Balse Israel waxay sheegtay habeenkii uu dhacay howlgalka lagu dilay hoggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniyeh inaysan qaadin wax weerar cirka ah ama gantaal isaga gudbay bariga dhexe.
“Waqtigaas weerarkii duqeynta Beirut ayuu ku ekaa howlgal ka baxsan Qasa oo ay dibadda ka fulisay Israa’iil ma jiro” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Israa’iil Daniel Hagari.
Afhayeenka oo la weydiiyey iney israel fulisay weerarkaas ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo, isagoo aan qiran ama beeninin.
Hadalkan ayaa u muuqdaa inay Israa’iil ku oggalaatay warbixinnada New York Times iyo Axios oo sheegay in dilka loo adeegsaday aalad qaraxda oo lagu xiray qolka ay Iran dejisay Haniyeh uusana jirin weerar kaga yimid dibeda.
Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac
Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda
Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha