Home Wararka Maanta Saraakiil kasocota Jabuuti oo Soo Gaaray Muqdisho Maxay Rabaan?

Saraakiil kasocota Jabuuti oo Soo Gaaray Muqdisho Maxay Rabaan?

0

Wafdi ka socda Taliska Guud ee Ciidanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hoggaaminayo S/Guuto Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil, qeybna ka yihiin Madaxa Howlgelinta ciidanka Jabuuti iyo saraakiil kale ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas Ibaahim Sheekh Muxudiin ayaa wafdigaan ku soo dhaweeyay xarunta Taliska Ciidanka xoogga Dalka, waxaana soo dhaweynta goobjoog ka ahaa qaar ka mid Hoggaanada Ciidanka XDS.

Ujeedka booqashada saraakiisha ka socota wadanka jabuuti ayaa ah in sare loo qaado iskaashiga labada ciidan iyo sare u qaadida wada shaqeynta iyo howlaha la xariira Ciidamada Hiil Walaal ee Dowladda Jabuuti ee nabad ilaalinta u joogo Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Dowladda jabuuti ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan la dagaalanka Argagixisada iyo sida ay u garab taaganyihiin Ciidamada XDS.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleTurkiga oo Ku wajahan Itoobiya iyo Xaalda itoobiya iyo Soomaaliya oo laga Hadlaayo
Next articleDowlada Israel oo ka hadashey Weerarkii Lagu dilay Ismacil haniya