Home Wararka Maanta Xasan Nasrallah oo sheegay in ay u aari doonaan taliyihii Arbacadii laga...

Xasan Nasrallah oo sheegay in ay u aari doonaan taliyihii Arbacadii laga dilay

0

Duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut gaarahaan magaalada Dahiya oo ah xarun ay ku xoogan yihiin Xisbullah ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan oo ku labisan dhar madoow oo ka qaybgalaya aaska Fu’aad Shukr oo ahaa taliyihii ugu sareeyay maleeshiyada awooda badan ee Lubnaan, isla markaana ahaa xubintii ugu caansanayd ee ay Israa’iil disho intii ay dagaaladu socdeen waayahaan.

Dadka isku soo baxay ayaa watay sawirka Shukr, waxayna lulayeen calanka jaalaha iyo cagaarka ah ee Xisbullah, iyagoo ku qeylinayay qaar ka mid ah hal ku dhigyada kooxda.

Sida laga soo xigtay ciidamada Israa’iil, Shukr ayaa mas’uul ka ahaa weerarkii gantaallka ahaa ee lagu dilay 12 carruur iyo dhallinyaro isugu jiray oo ka dhacay garoon kubadda cagta ah oo ku yaalla buuraha Golan Heights oo ay Israa’iil haysato Sabtidii hore.

Xisbullah ayaa iska fogeysay inay ku lug laheed, inkastoo markii hore ay sheegtay inay weerartay saldhig ciidan oo halkaasi ku dhow, taasoo sare u qaadeysa suurtagalnimada ah in gantaalka uu seegay bartilmaameedkii.

Shukr oo sidoo kale loo yaqaanay al-Xaj Muxsin ayaa la sheegay in uu la taliye u ahaa Xasan Nasrallah oo muddo dheer hoggaaminayay Xisbullah.

Xasan Nasrallah ayaa sheegay in dagaalka Israa’iil kala dhaxeeya uu yeeshay waji cusub isla markaana ay aarsan doonaan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay arrin ay ku xiran tahay midnimada Soomaaliya
Next articleCali Najax iyo Faarax faataxo oo Barxada Caabudwaaq lagu Dilay