Home Wararka Maanta Iran oo u hanjabtay Israa’iil iyo Netanyahu oo hadlay

Iran oo u hanjabtay Israa’iil iyo Netanyahu oo hadlay

0

Iran ayaa ugu hanjabtay “ciqaab adag” Israa’iil, oo ay sheegtay inay mas’uul ka ahayd dilka hoggaamiyihii Xamaas ee shalay dhacay.

Israa’iil si toos ah ugama hadlin duqeynta lagu dilay Ismaaciil Haniyah ee Tehran ka dhacday.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisu uu “dharbaaxo culus” u geystay cadawgiisa maalmihii la soo dhaafay, oo ay ku jirto dilka taliye sare oo ka tirsanaa ururka Xisbullaah kaasoo lagu dilay Lubnaan saacado ka hor weerarkii Tehran.

Waxa uu uga digay Israa’iiliyiinta in “maalmo adag ay soo socdaan”, iyadoo laga cabsi qabo isku dhac ballaaran uu ka dhaco Bariga Dhexe.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWar Degdeg: Israa’iil oo sheegtay in madaxii milatariga Xamaas ay duqeyn ku dishay
Next articleMaxaa ka socda Tehran oo shalay lagu dilay hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyah?