Home Wararka Maanta Ruushka iyo Turkigu maxay ka yiraahdeen dilka Haniyah ee Iran ka dhacay?

Ruushka iyo Turkigu maxay ka yiraahdeen dilka Haniyah ee Iran ka dhacay?

0

Waxaan hadda soo baxaya falcelinno kala duwan oo ka imaanaya dalal uu ka mid yahay Ruushka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa dilka Haniyah ku tilmaantay “dil siyaasadeed oo aan gebi ahaanba la aqbali karin”, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee Ria.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaas, Mikhail Bogdanov, ayaa sheegay in dhimashada hoggaamiyaha Xamaas “ay horseedi doonto xiisad hor leh”.

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sidoo kale cambaareysay wax ay ku tilmaamay “dilka ceebta ah ee ka dhacay Tehraan”, iyadoo bayaan ay soo saartay oo lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegtay “in dilka looga gol leeyahay in lagu faafiyo dagaalka Qasa laguna gaarsiiyo heer gobol”.

Ad
Previous articleISMAACIIL Haniya madaxii Arrimaha Siyaasada ee Xamaas ayaa hadda lagu dilay dalka Iiraan.
Next articleQarax Ka dhacay Degmada ee Ceeldheer ee Galmudug