In ka badan 20 mudane oo katirsan baarlamaanka DFS, kana soo jeeda Beesha Daarood ayaa la kulmay maanta madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh, iyagoo kala hadlay sadex arrimood oo kala ah, doonistooda RW kuxigeen, Dhulal looga haysto Muqdisho, Qoondada & Aqoonsiga maamulka SSC-Khaatumo, sida ay ogaatay Mudug24
Madaxweyne Xassan Sh ayaa u sheegay xubnahan.
1- In uusan siineyn dhankooda RW kuxigeen, uuna u balanqaaday Beesha Digil & Mirifle oo uu siin doonaan dhawaana magacaabayo, maadaama dastuurka ay kala shaqeeyeen.
2- Aqoonsiga SSCKhaatumo ayuu sheegay in ayaga looga baahan yahay keenida Gobal & Bar dhameystiran, si lamid ah sidii Galmudug, oo ay arrintaas ka wada shaqeynayaan ( Labo kamid ah Senatarada kasoo jeeda Sanaag & Sool).
3- Qoondada ayuu sheegay in wax badan dhankooda jiraan beesha Daaroodka, Dhulalka iyo qadiyadaha la xariirana, ay maxkamaddaha & Hay’addaha Garsoorka dalka aadaan, oo halkaas dacwadahooda geeyaan.
Mudug24, ayaa ogaatay in xubnaha qaarkood ka argagaxeen jawaabaha tooska ah ee Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo isla caawa bilaabay in ay baraha wada hadalka ee WhatsApp ku iclaamiyaan shirar berri ay doonayaan in lagu qabto Hotel Airport Muqdisho.