Home Wararka Maanta Weerar Alshabaab la Damacsanaayeen Kenya oo La Fashiliyay

Weerar Alshabaab la Damacsanaayeen Kenya oo La Fashiliyay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada ammaanka dalka Kenya ka fuliyeen agagaarka magaalada Gaarisa ee waqooyi bari ee dalka Kenya.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa weerar culus ku qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheeyay inay weerar ku qaadaan deegaanka Alango, oo ku teedsan waddada Gaarisa iyo Dhadhaab ee ismaamulka Garissa.

Saraakiil u hadashay laamaha ammaanka Kenya ayaa sheegay inay heleen xogta dagaalamayaashan, kadibna ay ka hortageen weerarka, xilli ay ay isku  diyaarinayay inay qaadaan.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay goobta ku dileen laba kamid ah xubnaha Al-Shabaab, kuwa kalena ay baxsadeeen ayaga oo dhaawac ah.

Ciidamada ayaa sidoo kale soo furtay  labo qori oo AK47 ah, sidoo kale 7-majalado, agabka walxaha qarxa iyo agab kale oo kala duwan.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana weli aagga magaalada Gaarisa howlgallo culus oo baaritaano ah ka wada laamaha ammaanka ee dalka Kenya oo baadi goob ugu jiro xubnaha Al-Shabaab ee ka baxsaday goobta.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ay guusha ka sheegteen ciidamada ammaanka ee dalka Kenya.

Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weeraro culus ku qaada gudaha dalka Kenya, iyaga oo beegsada xarumaha ciidamada ee ku yaalla deegaanada u dhow xadka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleP.M Xamse Cabdi Barre oo Tuutaha Dagaalka Xoran oo Gaaray…..(Sawiro)
Next articleXildhibaan Xirtay Tuutaha Dagaalka Oo Gaaray galmudug(Sawiro)