Home Wararka Maanta War Cusub oo Kasoo Kordhay Xasaanad Ka Xayuubintii Xildhibaan abiib

War Cusub oo Kasoo Kordhay Xasaanad Ka Xayuubintii Xildhibaan abiib

0

Xildhibaannada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Hargeysa, kaas oo ujeedkiisu ahaa maamuus ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac oo dacwad culus ay kusoo oogtay xeer-ilaalinta Somaliland.

Kiiska Maxamed Abiib ayaa waxaa kasoo kordhay arrin aan la fileyn, kadib markii soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud uu ka horyimid guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada.

Warbixin lala wadaagay xildhibaannada, sidoo kalena loo dusiyay warbaahinta ayaa lagu shaaciyay go’aankka guddiga, waxaana lagu sheegay in soo jeedinta xeer ilaaliyaha ee ku aadan maamuus ka xayuubinta Maxamed Abiib ay tahay mid sharci darro ah.

“Haddaba guddidu iyada oo ka duuleyso asbaabaha kor ku xusay waxay golaha wakiilada u xaqiijineysaa in soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud ee ah maamuus ka xayuubinta Mudane Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac ay tahay mid aan sharci ahayn isla markaana ay ka hor imaaneyso mas’uuliyadda xil-gudasho ee mudanayaasha ee ku tilmaaman dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha wakiilada xeer.lr.01/2021″ ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay guddiga golaha wakiilada ee maamulka Somaliland.

Guddiga ayaa sidoo kale xubnaha golaha wakiilada ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan arrintan, isla markaana ay cod ku diidaan soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud.

“Sidaas aawgeed waxaannu mudanayaasha golaha usoo jeedineynaa inay nagu raacaan isla markaana ay cod ku diidaan soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud” ayaa lasii raaciyay.

Intaas kadib guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa soo xiray fadhigii aan caadiga ahayn ee guluhu u balansanaa in go’aan lagaga gaadho dacwaddii xildhibaan Maxamed Abiib kadib markii uu goluhu buuxsami waayay kooram la’aan, waxaana lagu ballamay inay dooddu halkeeda kasii soconeyso.

Abiib oo haatan ku sugan Boorama ayaa xeer-ilaalinti waxa ay u heysataa eedaymo ay ku jirto in mas’uuliyiinta ka tirsan Saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti uu la kulmay iyo in arrimaha ciidamada Somaliland uu ka hadlay.

Sidoo kale Xildhibaan ayaa horay u tagay dalka Jabuuti dabayaaqadii bishii May ee sanadkan, wuxuuna safarkaas xaqiijiyey maalmo ka hor mar uu warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in Jabuuti uu Passapor ka soo qaatay.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleNetanyahu oo sheegay in uu wafdi wadaxaajood u diri doono Rome si loosoo afjaro dagaalka ay kula jiraan Xamaas
Next articleWar Deg Deg ah:Wariye Cali nur Salaad oo Lasoo Daayay