Kaddib markii ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo Ciidamada xoogga dalka ay isku xireen Wadada isku xirta Kismaayo iyo Afmadow ayaa maanta Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu safar dhanka dhulka ah uu ku tagay degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.
Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha bartamaha degmada Afmadow.
Safarka Axmed Madoobe ee Afmadow ayaa la xiriira dardar gelinta howlgalada ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, kuwaasoo maalmo ka hor guulo wax ku ool ah ka gaaray Argagixisada.
Ad