Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo War kasoo saaray Jabkii Alshabaab lagu gaarsiiyay Buulaxaaji

Xasan Shiikh oo War kasoo saaray Jabkii Alshabaab lagu gaarsiiyay Buulaxaaji

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo war ka soo saaray dagaalkii maanta lagu jebiyey kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa dhambaal u diray ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland.

Madaxweynaha ugu horeyn ku bogaadiyey sida nafhornimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida ay u wajaheen argagixisada soo weerartay deegannada Buulo-Xaaji iyo Harboole ee gobolka Jubbada Hoose.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in guushan ay ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda.

Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Jubbaland ugu hambalyeeyey guushan taariikhiga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ka soo hooyeen dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in loo midoobo sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxaha argagixisada ah.

“Maanta jabka weyn ee khawaarijta lagu gaarsiiyey deegaannada Buulo-xaaji iyo Harboole ee Jubbaland waa calaamad muujinaysa in gabbalkoodu uu dhacay, geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeedna ay awood u leeyihiin in ay ka xoreeyaan deegaan kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in wadashaqeynta ciidamada iyo bulshada ay aasaas u tahay xaqiijinta amniga iyo ka hortagga dhagarta argagixisada, sidaas awgeed waxa uu adkeeyey in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.

In ka badan 100 Shabaab ah ayaa saakay lagu dilay dagaal ay kooxdu ku qaaday deegaano dhowaan laga qabsaday oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, khasaaraha gaaray ciidamada qaranka iyo kuwa Jubbaland ayaa aad u yaraa markii la eego sida loo laayey Shabaab-ka, sidoo kale waxaa laga qabtay maxaabiis nool iyo hub tiro beel ah.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo Jawaab Kulul Siisay Madaale kuna Tilmaamtay
Next articleMaamulka Puntland oo Maantay Markale Taariikh Cusub Qortay