Home Wararka Maanta Madaxweyne Deni oo war ka soo saaray xasaradaha Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya

Madaxweyne Deni oo war ka soo saaray xasaradaha Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya

0

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kumanaan shacab ah maanta kula hadlay fagaaraha Garowe ayaa soo hadal qaaday colaadaha iyo xasaradaha maamul ee ka taagan koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland.

Saciid Deni ayaa ku faanay in Puntland ay gaartay xasilooni iyo isku filaasho, isagoo ilaahey nabad iyo xasilooni uga baryey Soomaaliya inteeda kale, gaar ahaan Somaliland iyo koonfurta Soomaaliya.

“Somaliland waxaan u rajeynayaa in maamulkaasi uu ka shaqeeyo nabad, oo doorasho sax ah qabto, in maamulkaasi uu ku fara adeygo nabadeynta inta uu maamulo oo aysan u hanqal taagin deegaano kale,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Deni  oo farriin u diray Somaliland.

Sidoo kale Saciid Deni wuxuu ka hadlay xasaradaha ka jira koonfurta Soomaaliya, isagoo sheegay in qabaa’ilku ay is dilayaan, wuxuuna ugu baaqay inay nabad ku wada noolaadaan, maadaama aysan jirin dowlad kala celineysa ama ku kala garqaadeysa.

“Labo reer oo meel degan waxaan ugu baaqayaa in nabad ay ku wada noolaadaan, gaar ahaan dadka reer Puntland, beelaha idinla degan nabad kula noolaada, maamulkeygu wuxuu xooji doonaa nabadda iyo dimoquraadiyadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saciid Deni.

Wuxuu ka digay in xoog lagu raadiyo xukunka “waxaan ka digayaa siyaasiyiinta caadeysatay inay xukunka ku koraan dhiigga dadka, xukunka waxaa lagu koraa cod,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka reer Garoowe ka codsaday inay si gaar ah u taageeraan xisbigiisa Kaah, isagoo ka codsaday inay u codeeyaan Xisbigiisa Kaah.

“Waxaa inoo ballan ah maalinta Doorashada 23-ka July 2024 Insha’allaah, in aad codka siisaan Xisbi Siyaasadeedka Kaah, Astaanteenu waa Hasha,” ayuu yiri Deni oo fagaaraha Garoowe kula hadlayey kumanaan shacab ah.

Raisal Wasaare Xamze oo la kulmay Bulshada Gobolka Sanaag

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ku

Dowlada Somaliya oo soo Dhaweesay Tageerada Dowlada Somaliya

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ,ayaa ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ka taageeri doonaan dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan ee argagaxisada ee ka dagaallama qeybo kamid ah dalka Soomaaliya. Lataliyaha

Ciidanka Amniga Muqdisho oo loo Gacan galiyay Nin Dil Geestay

Ciidamada booiiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgalla saldhigga degmada Dayniile , ayaa lagu wareejiyay nin dhallinyaro ah oo shalay afaafka hore ee xarunta degmada Dayniile ku dilay nin kale

Dowladda Soomaaliya oo SSC-Khaatumo u aqoonsatay maamul ka tirsan Dowladda Federaalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay saaxiibada caalamka ee taageera Soomaaliya inay ula dhaqmaan maamulka SSC-Khaatumo si lamid ah maamul-goboleedyada kale ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka

Madaxweynaha SSC Khaatumo oo Somaliland ugu baaqay Nabad Sharuud La’an ah

Madaxweynaha maamulka SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo Xalay ka hadlaayay munaasibad balaaran oo ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ugu baaqay Somaliland nabad iyo
Ad
Previous articleAlshabaab ooo weerar Qaraxyo ku bilowday Saakay ku qaaday Ciidamada dowlada
Next articleMeydad iyo Hub Tirabeel ah oo Dagaalkii saakay looga Furtay Alshbaab oo lasoo Bandhigay(Sawiro)