Home Wararka Maanta Alshabaab ooo weerar Qaraxyo ku bilowday Saakay ku qaaday Ciidamada dowlada

Alshabaab ooo weerar Qaraxyo ku bilowday Saakay ku qaaday Ciidamada dowlada

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Sbabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen deegaanka Harboole oo ay dhowaan kala wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta ee maamul goboleedka Jubbaland.

Weerarka oo ahaa mid gaamo ah oo ay aroortii hore saaka soo qaadeen Al-Shabaab ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo saacad ka badan qaatay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay fashiliyeen weerarkaasi, isla markaana ay dib u celiyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.

“Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saakay fashiliyay Weerar fuleynima ah oo ay Khawaarijto ku dooneysay in ay ku qaadaan Degaanka Harboole ee Degmada Afmadoow kana tirsan Gobolka Jubada Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in khasaaro lixaad leh la gaarsiiyay xubnihii weerarka soo qaaday, welina ay sii baacsanayaaan, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay guul ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

“Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saakay fashiliyay Weerar fuleynima ah oo ay Khawaarijto ku dooneysay in ay ku qaadaan Degaanka Harboole ee Degmada Afmadoow kana tirsan Gobolka Jubada Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in khasaaro lixaad leh la gaarsiiyay xubnihii weerarka soo qaaday, welina ay sii baacsanayaaan, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay guul ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Deegaanka Harboole oo ah meesha uu weerarka ka dhacay ayaa u dhexeeyo degmada Afmadow iyo deegaanka Janaay Cabdalle, waxaana marta waddo muhiim u ah oo isku xirta gobolka Jubbada Hoose iyo gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo maalmo kahor laga fara maroojiyay Al-Shabaab.

Maalmihii u dmabeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa kordhiyay howlgallada ka socda aaggaas, waxayna la wareegeen Buuloxaaji iyo deegaano kale.

Si kastaba, Jubbaland ayaa waxaa si rasmi ah uga billowday wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleMuxuu Maantay U Sheegay madaxweyne Xasan Shiikh Xildhibaanada Beesha Direed?
Next articleMadaxweyne Deni oo war ka soo saaray xasaradaha Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya