Home Wararka Maanta Waxa Uu ahaa Qarxii Cuslaa ee Xalay Ka Dhacay Muqdisho oo la...

Waxa Uu ahaa Qarxii Cuslaa ee Xalay Ka Dhacay Muqdisho oo la Shaaciyay

0

Booliska Soomaaliya ayaa Goordhow Soo Saaray nooca uu ahaa Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Qarixii Cuslaa ee Xalay ka Dhacay Magaalada Muqdisho Booliska ayaana Yiri:

Tr 14-july-2024 abaaro 22:28hrs Kooxaha Argigixisada ah ee Caadeysatey in ay la dagaalamaan horumarka iyo nabadda bulshada Soomaaliyeed waxay gaari ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa gaakimeen goob Maqaayad ah oo ay dhalinyara Soomaaliyeed ay ku caweynaysay oo ku taala Degmada Boondhere.

waxaana la xaqiijiyey ilaa hada geerida 5 qof iyo ilaa 20 qof oo dhaawac fudud ah . Waxaa jira qasaare hanti oo u badan baabuur ay lahaayeen dhaliyarta goobta ku caweynaysay.

Guud ahaan qasaaraha goobta maadaama ay Habeen tahay tirakoobka qasaarahana uu socdo dib ayaan ka soo sheegi doonaa .

Ad
Previous articleWae Deg Deg ah: Maqaayad lagu Daawanaayay Oo laisku Qarxiyay
Next articleCumar Xuseen oo Kamid ahaa Dadkii kusugnaa Maqaayada Top Cofee oo xalay Qarax Culus uu ka dhacay iyo Wixii uu arkay