Home Wararka Maanta War Deg Deg Ah:Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday xabsiga dhexe...

War Deg Deg Ah:Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday xabsiga dhexe ee Xamar

0

naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow dhawaqa rasaas xooga iyo qaraxyo laga maqlayo gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana lasoo wariyay inay dagaalamayaan ciidanka amniga iyo qaar kamid ah maxaabiista..

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in markii hore qarax xoogan uu ka dhacay gudaha xabsiga, kadibna ay xigtay rasaas toos ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inay dagaalamayaan ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Asluubta ee gacanta ku haya xabsiga iyo qaar kamid ah maxaabiista oo hub heshay.

Lama oga khasaaraha ka dhashay, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, mana jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Soomaaliya.

Horay sidaan oo kale ayaa weerar kan lamid ah oo laga soo dhex abaabulay uga dhacay xabsiga dhexe ee Xamar, halkaas oo ay ku xiran yihiin xubno loo haysto Shabaabnimo iyo kuwa kale oo ay ku eedeysan dambiyo kala duwan.

Ad
Previous articleTaliyaha guud ee booliska Kenya oo is casilay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Weerarkii Lagu Qaaday Xabsiga Dhexe iyo rag Dil Ku Xukunaa oo la Toogtay