Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo deegaan istaraatiiji ah ka qabsaday Al-Shabaab

Ciidamada Dowlada oo deegaan istaraatiiji ah ka qabsaday Al-Shabaab

0

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ciidamada huwanta ay kula wareegeen deegaanka Harboole oo ah mid istaraatiiji ah, iskuna xira gobollada Jubbooyinka.

Ciidamada ayaa gudaha u galay deegaankaasi, waxayna kadib isku fidiyeen tuulooyinka u dhow, si ay uga hortagaan soo rogaal celinta maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Deegaankan ayaa u dhexeeyo degmada Afmadow iyo deegaanka Janaay Cabdalle, waxaana marta waddo muhiim u ah oo isku xirta gobolka Jubbada Hoose iyo gobolka Jubbada Dhexe.

Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in qabashada deegaanka Harboole uu dhabar jab wayn ku yahay Khawaarijta, isla markaana ay kala go’ayaan Al-Shabaabka ku sugan labada gobol ee Jubbooyinka oo ay ku xoogan tahay kooxda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli ciidamada ay kusii siqayaan deegaano horleh oo ku yaalla gobolkaas, si ay uga fara maroojiyaan Al-Shabaab.

Maalmihii u dmabeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa kordhiyay howlgallada ka socda aaggaas, waxayna la wareegeen Buuloxaaji iyo deegaano kale.

Si kastaba, Jubbaland ayaa waxaa si rasmi ah uga billowday wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articlenin Alshabaab Qarax Usoo Dhiibeen Si uu Gaari ugi xiro Taliye Sare oo Lacag abaal Marin ah lasiiyay Kadib……
Next articleAbiya axmed oo Xaalku ku Xunyahay Maxaa Isbadalay?