Home Wararka Maanta Booliiska oo ka hadlay howlgalkii burburinta ee xaafada Dabdamiska

Booliiska oo ka hadlay howlgalkii burburinta ee xaafada Dabdamiska

0

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa saakay aroortii hore fuliyay howlgal ay ku burburinayeen guryaha kuyaalla xaafada Dabdamiska ee magaalada Muqdisho, oo dadka degan ay horey marar badan u diideen in ay isaga baxaan.

Ciidamada ayaana dadka ku amrayay in ay isaga baxaan guryaha ayna horey usii qaataan alaabaha fudud ay guryaha u yaallay, waxa ayna intaas kaddib ciidamada cagaf cagaf galinayeen guryaha halkaasi ku yaallay oo ay dhulka la simeen.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya oo goordhaw warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in ciidamada saakay xaafada Dabdamiska ka saareen dad tiro yar oo ku harsanaa, waxa uuna xusay in badi dadkii deganaa xafaadaasi horey uga baxeen .

Waxa uu sheegay afhayeenka booliiska in ciidankii saakay tagay xaafada Dabdamiska halkaasi u tageen sidii ay u caawin lahaayeen dadka ku harsan xaafadaasi, waxa uuna xusay in booliiska halkaasi geeyeen gaadiid lagu rayay dadka guryahooda laga saarayay.

Afhayeenka ayaa sheegay in xarunta Dabdamiska la doonayo in dib u dhis lagu sameeyo looguna adeego bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in xaruntan xal u noqon doonto dababka ka kaca magaalada ,halkaasna la geyn doono gaadiid casri ah oo dabka damiya iyo shaqaale la carbiyay.

Booliiska Soomaaliya ayaa marar badan horey ugu amray dadka degan xaafada Dabdamiska in halkaasi isaga guuraan, dadka xaafadan ayaana ammarkaasi iska diiday iyagoona sheegay in ay dagaallamayaan kuna dhimanayaan dhulkaasi.

Ad
Previous articleXamse oo U Hanjabay Dadka ku Dagaalamaayo Degmada Luuq Ganaane
Next articleXasan shiikh oo Gaaray DalkanEreteeriya (Sawiro)