Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug:Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa oo gurigooda lagu dhex dilay

Galmudug:Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa oo gurigooda lagu dhex dilay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay dila argagax leh uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug, kaas oo loo gaystay Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Allaha u naxariistee Macallinka iyo Xaaskiisa oo ku sugnaa gurigooda ayaa lagu dilay deegaan lagu magacaabo Bulacle oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaad hubeysan ay toogasho ku dileen labada marxuum, iyaga oo ku dilay gogoshooda, waxayna kadib ka baxsadeen goobta.

Dilkan foosha xun ayaa lala xiriiriyay aano qabiil oo ka taagan deegaano dhaca bariga magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ay isku geysanayaan beelaha wada daga halkaas.

Dhacdadan ayaa sidoo kale argagax ku reebtay dadka deegaanka, waxaana si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada, iyada oo dadweynuhu ay tilmaameen inay tahay wax laga xumaado.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray halka ay mashaqadu ka dhacday, waxaana haatan ay howlgallo lagu baadi goobayo maleeshiyaadka dhibaatada geystay ka bilaabeen agagaarka Dhuusamareeb.

Falkan argagaxa leh ayaa kusoo beegmay, ayada oo haatan Dhuusamareeb ay taallo gogol nabadeed oo ay dhigtay Galmudug, taas oo lagu heshiisinayo beelo dhowaan ku dagaalamay waqooyiga gobolka Galgaduud, kuwaas oo ay iska dilay in ka badan 50 qof.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa ku badan colaadaha beelaha, waxaana horay dhacdo tan lamid ah ay uga dhacday isla gobolka Galgaduud, kadib markii lagu dilay Macallin Dugsi Qur’aan iyo Dhaqtar walaalo ahaa, inkastoo lasoo soo qabtay raggii ka dambeeyay dilkaasi oo la maxkamadeeyay, kadibna ay dil toogasho ku fulisay Galmudug.

Ad
Previous articleKumuu ahaa ninkii hayay Furaha Kacbada ee uu qoyskiisa ku wareejiyay nebi Muxammad NNKH ee Asbuucaan geeriyooday
Next articleDowlada Soomaaliya oo Ciidamo Farabadan u Daad Guraysay Gobalka Gedo Sabab?