Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamo Itoobiyaan ah oo Doonaayay inay Xoog Guduha Ugalaan Galmudug oo Loo...

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Doonaayay inay Xoog Guduha Ugalaan Galmudug oo Loo Diiday

0

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in tiro ciidamo Itoobiyaan ah ay maanta gaareen magaalada Matabaan.

Guddoomiyaha degmadaas Bashiir Cabdiraxmaan Sheekeeye ayaa BBC u xaqiijiyay in ciidamadan oo gaarayay ilaa 3000 ay degmada kasoo galeen dhanka Beledweyne.

Wuxuu intaas raaciyay in kadib wada hadal dhex maray ciidamadaas iyo maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ay haatan ciidamadaasi dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen.

Itoobiyaanka ayaana Doonaayay inay Gudaha Ugalaan Galmudug oo Ay saldhigyo ka Samaystaan Xili Dowlada Soomaaliya Dagaal Diblomaasoyadeed Kala Dhexeeye.

Soomaali Badan ayaana Aad uso Dhaweeyey Go,aanka ay Qaateen Maamulka Iyo Booliska Degmada Matabaaan.

Ciidamo Itooboyaan ah ayaana Dhawaan Gudaha Doloow Xoog kuso Galay Kuwaas oo Saldhigyo Badan Ka Samatstay Gobalka Gedo.

Dhawaan ayay Ahayd Markii Dowlada Soomaaliya Amartay in Ciidamada Itoobiya Laga Saaro Dalka Soomaaliya Waloow Maamulada Koonfurgalbeex iyo Jubaland Amarkaas Kasoo Horjeesteen.

Ad
Previous articleBankiga Adduunka oo warbixin xasaasi ah ka soo saaray dhaqaalaha Somalia
Next articleMidowga Africa Oo Soo Saaray Go,aan Ka Farxiyay Dowlada Soomaaliya