Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerarary Saldhigaan oo ay daganyihiin Ciidamada….

Alshabaab oo Weerarary Saldhigaan oo ay daganyihiin Ciidamada….

0

Al-Shabaab ayaa xalay madaafiic ku weerartay Saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay maqlayeen xalay saqdii dhexe dhawaqa Hoobiyeyaasha ay Al-Shabaab la beegsanayeen Saldhiga Ciidamada Itoobiya.

Weli lama xaqiijin khasaaraha Ciidamada Itoobiya iyo Dadka Shacabka kasoo gaaray weerarkan Hoobiyeyaasha ah, mana jiraan saraakiil iyo masuuliyiin ka hadlay

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Itoobiya dhankooda ay madaafiic uga jawaabeen weerarka hoobiyeyaasha ah ee kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan.
Ad
Previous articleMaxaad ka ogtahay labada waqti ee Hindiya ogolaatay inay Soomaalida fiisaha ku siiso?
Next articleWar Cusub oo kasoo kordhay Kiiska Axmed Rashiid oo Islii Dadka Kulayn jiray