Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoorqoor oo furay kalfadhiga 10aad ee Barlamanka Galmudug Booqdaynay….(Sawirro)

Madaxweyne Qoorqoor oo furay kalfadhiga 10aad ee Barlamanka Galmudug Booqdaynay….(Sawirro)

0

Munaasabad lagu furayey Kalfadhiga 10-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug ayaa Maanta ka dhacday Caasimadda Galmudug ee Dhusamareb

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 10-aad ee Golaha Wakiillada 2aad ee Galmudug ayaa maanta waxaa furay Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayna ku wehliyeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dr Maxamed Nur Gacal, Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Mudane Cabdullahi Xirsi Maxamed iyo Labada Gole ee Wakiillada iyo Xukuumadda Galmudug.

Guddoomiyaha Golaha Dr Maxamed Nur Gacal oo Khudbad ka jeediyey ayaa xusay Guulihii Shaqo ee uu Goluhu gaaray Muddadii u dhaxeysay labada Kalfadhi ee 9aad iyo 10aad, kadib Guddoomiyaha ayaa soo bandhiga Qorshe-hawleedka Kalfadhiga 10-aad ee Maanta furmay.

Madaxweynaha Galmudug oo isna Khudbad ka jeediyey ayaa u Mahad-celiyay Guddoonka iyo Xubnaha Golaha Wakiillada Galmudug isaga oo ku ammaanay Shaqooyinkii hufnaa ee ay Bulshada Galmudug u soo qabteen, welina u taaganyihiin, kadib Madaxweynaha ayaa si Rasmi ah u Furay Kalfadhiga 10aad ee Golaha Wakiillada Galmudug.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Galmudug Dr Maxamed Nur Gacal iyo Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi kaariye qoor qoor ayaa kor meeray dhismaha cusub ee uu ku shaqeyn doono Golaha Wakiilada Galmudug

Gudoomiyaha iyo Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay engineerada gacanta kuhaya dhismaha xarunta cusub ee Golaha Wakiilada Galmudug.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Balanqaad Culus ka Heshay Dowlada Qatar(Sawiro)
Next articleIsraa’iil oo ugu dambeyn aqbashay heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka Gaza