Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Shirka Golaha Wadatashi Qaran iyo Qodobada Laisku Mari la’yahay...

Wararkii ugu Danbeeyey Shirka Golaha Wadatashi Qaran iyo Qodobada Laisku Mari la’yahay ilaa Haatan

0

Hoggaamiyayaasha Maamul gobaleedyada Koonfurta dalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa leh wada hadalo xasaasi ah oo kuwajahan galka Doorashooyinka, waana qodobka ugu weyn ee la eegayo go’aanka laysku raaco, shirka ayaa galay maalin dheeraad ah oo aan qorshaha kujirin.

Madaxweynaha ayaa ku adkeysanaya doorasho lagu qabto qof iyo cod & mudo kororsi la’aan, ugu dambeyn March-2025.

Tan uma cuntamayso madaxda maamulada, waxayna doonayaan doorasho ay maamulkeeda leeyihiin dadbana oo ay November ama kahor galaan, ama ay bedelkeeda helaan mudo kororsi 2 sano ah oo ka bilaabanaya November sannadkan, taas macnaheedu yahay doorasho siman hala wada qabto.

Dood kale oo madasha taala waa in Hal xisbi ay wada galaan madaxda Dowlada Goboleedyadu iyo DFS, sidaasna ku galaan doorasho hal xisbi ay ku yihiin oo ka qabsoonta Koonfurta dalka halmar, tan dhinaca Xassan Sheekh aad uguma niyadsama.

Labo daran mid dooro, ayuu dhexda ka taagan yahay Madaxweyne Xassan Sheekh, xili qaar kamid ah madaxda maamuladu sheegayaan in shirku fashilmi karro xili kasta, haddii aan tooda loo raacin.

 

Ad
Previous articleFirdhiye oo ku Biiray Shirka Madasha Wadatashi Qaran ee Muqdisha Kasocda
Next articleDowlada Soomaaliya oo lagu Wareejiyay Gaadiid Dagaal oo Alshabaab lagula Dagalamaayo(Sawiro)