Home Wararka Somaliya Galmudug Shirka Madasha Wadatashi Qaran oo beri Ka Furmaaya Muqdisho iyo Qoor Qoor...

Shirka Madasha Wadatashi Qaran oo beri Ka Furmaaya Muqdisho iyo Qoor Qoor oo Soo Gaaray Muqdisho

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Madaxweynaha ayaa u yimid magaalada Muqdisho ka qayb galka shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Sidoo kale Maantay majirin Diyaarado U Baxay Inta Badan Gobalada Dalka Soomaaliya oo Diyaaradihii Waxaa Kiraystay Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Badan kood Maantay soo Gaaray Muqdisho.

Shirka Madasha Wadatashi Qaran ayaana Dhawaan baaqday Kadib markii ay Kasoo Qaybgali wayeen inta Badan madaxda Maamul Goboleedyada.

Shirkaan ayaa La Filayaa inlagu Go,aamiyo doorashada Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Badankood Uu Ka dhamaaday Mudadii Xil Haynta Sida Galmudug Koonfurgalbeed iyo Jubaland.

Warar Hoose oo aan helnay ayaa Sheegaaya in Xasan Shiikh u ogaaladay Qoor Qoor iyo Laftagareen Min Halsano oo cusub in loogu Daro Halka Ay ayaguna Doonaayaan Labasano.

Lama Oga sida Uu kusoo idlaan Doono Shirkaan oo Mudooyinkii Danbe ay adkaatay ina laisugu yimaado puntland ayaana Kasoo Qaybgali Doonin Waxayna horay u shaaciyeen inay Xariirka Ujareen Dowlada U hogaamiyo Xasan Shiikh.

Ad
Previous articleSida uu ninkan u badbaadiyay 300 oo qof isaga oo aan dabbaal aqoonin
Next articleSacuudiga oo daqiiqadihii ugu dambeyay dib u dhigay fulinta qisaasta nin Kenyaan ah