Home Wararka Maanta Hub Culus oo Iiraan Lagu sameeyey oo Kusoo Dhacay Gudaha Soomaaliya

Hub Culus oo Iiraan Lagu sameeyey oo Kusoo Dhacay Gudaha Soomaaliya

0

Magaalada Taleex ee gobolka Sool, waxaa xalay ku soo dhacay hub culus oo lagu farsameeyey dalka Iiraan, kadib markii Xuutuyiinta Yemen ay hubkaas u adeegsadeen Maroab laga leeyahay Mareykanka oo ku socday badda Cas.

Hubkaasi ma geysan wax khasaare ah, wuxuuna ku dhacay afaafka hore ee magaalada Taleex oo dhacda waqooyiga Soomaaliya, magaaladaas waxaa ka taliya maamulka ku meelgaarka ah ee SSC Khaatumo.

Dadka qaar waxay sheegeen in haraadiga waxyaabaha burburay ee deegaanka lagu arkay ay ula muuqdaan diyaad dagaal, waxaa laga helay calaamado muujinaya inay farsameysay Iiraan, balse warbaahinta Iran oo ka hadashay arrintaan ayaa bixisay xog kale.

Warbaahinta Iran oo aan xiganeyn wax ilo wareed dowladda ah ayaa sheegtay in waxa ku dhacay Soomaaliya uu yahay hal gantaal oo ‘Kuruus’ ah oo ay farsameysay Iran, balse ay rideen Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen oo ku weerartay Markab laga leeyahay Mareykanka.

Xogta warbaahinta dalka Iran waxaa lagu sheegay in Xuutiyiintu ay hubkaas isticmaalayeen ilaa 2019-kii, isla markaana ay ku fuliyeen weerarro badan oo lagu qaaday dalka Sacuudiga.

Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya uu ku soo dhacay hub laga soo riday dalka Yemen, waxayna arrintaan abuuri kartaa xaalad cusub oo gobolka ah, maadaama lagu soo xadgudbay Soomaaliya.

Dowladda Iran ayaa toos u taageerta xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen, waxayna u adeegsataa weerarro xasaasi ah oo ka dhacay Bariga Dhexe, marin biyoodyada muhiimka ah ee ka ag-dhow xeebaha Yemen.

Dowladaha Soomaaliya iyo Iiraan ma lahan wax xiriir ah, waxaana Iran ka suurtaaba inay jilaafooyin badan u dhigto Soomaaliya,sida inay hubeyso argagixsada, si lamid ah Xuutiyiinta Yemen, sida ay qabaan quburada ka faalooda arrimaha siyaasadda iyo dhaqdhaqaaqa Bariga Dhexe.
Ad
Previous articleLaftagareen oo Ka Hadlay Dilka Muqdisho loogu gaystay Aadan Biit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here