Home Wararka Maanta Masar iyo Turkiga oo gaaray go’aan cusub oo badda Soomaaliya ay uga...

Masar iyo Turkiga oo gaaray go’aan cusub oo badda Soomaaliya ay uga difaacayaan Itoobiya

0

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dowladaha Masar iyo Turkiga ayaa ku shiray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadibna waxay ka wadahadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha xasaasiga ah ee wadamada Soomaaliya, Suudaan iyo Libya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry oo uu weheliyo dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan ayaa warbaahinta la hadlay, iyagoo faahfaahiyey waxyaabihii ay ku heshiiyeen, kuwaas oo qeyb ay ka aheyd sidii labada dalka ay door ugu yeelan lahaayeen xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Waxaan go’aansanay inaan kordhino la tashiyada iyo dadaallada aan ku bixinayno arrintan, sidoo kale waxaan si wadajir ah uga wada hadalnay dhibaatada cusub ee ka soo cusboonaatay Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan mida khatar ku ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Wasiirka arriamaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in ka go’antahay ilaalinta madaxbananida dhuleeda ee Soomaaliya, sidaas si lamid ahna ay ugu go’antahay dhiggiisa Shoukry oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar, “Waxaan is weydaarsanay tallaabooyinka la qaadi karo, si looga hortago in khilaafka siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika uu isu beddelo colaad,” ayuu yiri Fidan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay ka wada shaqaynayaan sidii xal waara loogu heli lahaa qalalaasaha Suudaan, “Waxaan xoojineynaa kulamada iyo booqashooyinka labada dhinac ee Masar iyo Turkiga, si aan u horumarino xiriirka iyo wadashaqeynta,” ayuu yiri.

Turkiga iyo Masar ayaa ka wada shaqeynaya sidii xal waara loogu heli lahaa colaada sokeeye ee ka qaraxday dalka Suudaan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga.

Fidan ayaa sheegay in arrimaha Liibiya, Suudaan, Soomaaliya, iyo Itoobiya ay yihiin meelaha muhiimka ah ee iskaashiga Ankara iyo Qaahira, isagoo intaas ku dartay in labada wasiir arrimo dibadeed ay doonayaan inay si joogto ah uga hadlaan arrimahaan.

Wadahadalkooda waqtiga ugu badan waxay ku dejiyeen qorshihii lagu joojin lahaa dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan, saameynta uu gobolka ku yeelan karo, hannaanka wada xaajoodka ee socda, iyo qorsheyaasha xal loogu raadinayo, si loo soo celiyo nabadii luntay ee Sudan.

Dowladda Uganda oo ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka

Dowladda Uganda ayaa ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, si loo soo afjari xiisad siyaasadeed ee ka dhexeysa Dowladda

Doonyo Hub u Siday Shabaab oo lagu Duqeeyay Biyaha Somaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay duqeymo dhanka cirka biyaha dalka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd Abriil 16, 2025 iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Duqeymahan ayaa

Madaxweynaha Mareykanka oo Kulan la yeeshay Raisal Wasaaraha Israel

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Talaadadan sheegay in wada hadal wax ku ool ah uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu. Madaxweynaha Mareykanka ayaa khadka teleefanka kula hadlay Raysal

Dowlada Israel oo Qiratay Dilka Samafalayaal lagu dilay GAZA

Milatariga Israel ayaa sheegay in “fashil xagga xirfadda ah” uu horseeday dilka 15 ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdegga ah ee Qasa bishii hore. Baaritaan lagu sameeyay dhacdadan oo ay

Galgaduud oo lagu dilay Taliyihii Hore ee Ilaalada Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa xaqiijinaya in xalay lagu dilay Alle ha u naxariistee Sade Daahir Caanood Gulaafe, taliyihii hore ee ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.
Ad
Previous articleXukunka Koox ay ku jirto haweynay oo dhac ka geysatay Muqdisho
Next articleXukuumadda Somaliland oo si adag uga jawaabtay bayaan kasoo baxay dalalka ugu hodansan caalamka ee la isku yiraahdo G7