Home Wararka Maanta Xukunka Koox ay ku jirto haweynay oo dhac ka geysatay Muqdisho

Xukunka Koox ay ku jirto haweynay oo dhac ka geysatay Muqdisho

0

Kormeere Labaad Asluub Nuur Iidle Salaad, Dable Xoogga Cabdisalaam Arwaax Shariif, Dable Xoogga Maxamed Nuur Axmed iyo Nimco Maxamuud Cali, ayaa si wadajir ah lagu soo eedeeyey fal burcadnimo hubeysan ah iyo Isticmaalka Qamri.

Afartaan Eedeysane oo watay gaari, ayaa dhac u geystay dad shacab ah oo gaaraya Afar iyo Toban Qof, kuwaasi oo ku sugnaa degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Eedaysane Nimco Maxamuud ayaa laheyd doorka qarinta agabyadii la soo dhacay, iyaddoo saarneyd qeybta hore ee gaariga, si loo marin habaabiyo ciidanka amniga.

Eedeysaneyaasha ayaa Cabsanaa Qamri xilligii ay dhaca geysanayeen, waxaana ay isku soo mareen dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Gaarigii ay wateen oo ka halaabay, ayaa iyaggoo ku sameynaya garaasha ku yaalla degmadda Hodan waxaa kasoo qabtay Ciidanka ammaanka, taariikhdu markii ay aheyd Tobanka bisha siddeedaad 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Todobada bishii Seddexdaad ee Sanadkaan 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray Shanta eedeysane, waxaa lagu kala xukumay:-

Ex-Kormeere Labaad Asluub Nuur Iidle Salaad, Ex-Dable Xoogga Cabdisalaan Arwaax Shariif, Ex-Dable Xoogga Maxamed Nuur Axmed ayaa lagu Xukumay min 8 sano oo Xabsi ciidan ah, halka Nimco Maxamuud Cali lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Dowladda Uganda oo ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka

Dowladda Uganda ayaa ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, si loo soo afjari xiisad siyaasadeed ee ka dhexeysa Dowladda

Doonyo Hub u Siday Shabaab oo lagu Duqeeyay Biyaha Somaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay duqeymo dhanka cirka biyaha dalka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd Abriil 16, 2025 iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Duqeymahan ayaa

Madaxweynaha Mareykanka oo Kulan la yeeshay Raisal Wasaaraha Israel

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Talaadadan sheegay in wada hadal wax ku ool ah uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu. Madaxweynaha Mareykanka ayaa khadka teleefanka kula hadlay Raysal

Dowlada Israel oo Qiratay Dilka Samafalayaal lagu dilay GAZA

Milatariga Israel ayaa sheegay in “fashil xagga xirfadda ah” uu horseeday dilka 15 ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdegga ah ee Qasa bishii hore. Baaritaan lagu sameeyay dhacdadan oo ay

Galgaduud oo lagu dilay Taliyihii Hore ee Ilaalada Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa xaqiijinaya in xalay lagu dilay Alle ha u naxariistee Sade Daahir Caanood Gulaafe, taliyihii hore ee ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.
Ad
Previous articlePuntland oo Raaligalin Siisay Shiikh Umul
Next articleMasar iyo Turkiga oo gaaray go’aan cusub oo badda Soomaaliya ay uga difaacayaan Itoobiya