Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil naxtin leh oo maanta ka dhacay degmada Waabari ee gobolka Banaadir, kadib markii gaari xamuul oo bareeg goostay uu jiiray gawaari kale iyo mooto Bajaaj maraysay halkaasi.
Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay dhabarka dambe ee xerada ciidamada cirka ee Afisiyooni, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa shilkan ku dhintay ugu yaraan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna dhacdadan ku tilmaamay musiibo, maadaama maydadka qaarkood muddo laga soo hoos bixin waayay gaariga xamuulka ah ee shilka gaystay.
Waxaan la kulanay musiibadan waxaan arkay dad soo cararaayo iyo waxaan arkay dad meesha yaallo, kuwa meesha ayay ku jiraan” ayuu yiri goobjooge la hadlay warbaahinta.
Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan laamaha ammaanka, gaar ahaan kuwa Taraafikada iyo maamulka degmada Waabari oo gurmad u sameeyay dadka ay waxyeelada soo gaartay.
Shilkan waxaa ka horreeyay mid kale oo bishii Ramadaankii ka dhacay isgoyska Jubba, kaas oo ay ku dhinteen illaa 10 qof, kadib markii uu ku dul dhacay gaari xamuul ah oo sidan Kunteenar, kaas oo siday alaab xamuul ah.
Si kastaba, dhacdadan ayaa kusoo aaday xilli horay maamulka gobolka uu digniin uga soo saaray socodka gaadiidka xamuulka ah, walow markii dambe uu maamulka ka laabtay.