Home Wararka Maanta Sababta Uu Xasan shiikh Markasta Ugu safra Dalke Eriteria oo La Shaaciyay

Sababta Uu Xasan shiikh Markasta Ugu safra Dalke Eriteria oo La Shaaciyay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo laabtay magaalada Muqdisho, kadib booqasho laba maalmood qaadatay oo dalka Eritrea uu ku tagay, hadaba maxaa sababay in Xasan Sheekh uu dhowrkaan bilood safarro is dabajoog ah ku tago Eritrea?.

Su’aashaas wuxuu Xasan Sheekh kaga jawaabay wareysi uu siiyey TV-ga Qaranka Eritrea, isagoo yiri “Waxaan halkaan u imid in aan warbixin ka siiyo madaxweynaha Eritrea isbedellada iyo horumarka ka socda Soomaaliya, isla markaana aan weydiino wixii talooyin ah sidii horey loogu sii wadi karo xoreynta argagaxisada ee dalkeena.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Eritrea ku ammaanay doorka ay ka qaadatay arrimaha Soomaaliya, isagoo sheegay inay Eritrea samaysay wax dalal yar ay ka sameeyeen Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa wareysigaas ku sheegay in ciidamo badan oo Soomaali ah lagu tababaray dalka Eritrea, isagoo cadeeyey in Soomaaliya ay Eritrea u aragto wadan aan wax dan ah oo gaar ah ka lahayn Soomaaliya ee walaaltinnimo un u caawinaya.

Waxaa la rumeysan in madaxweyne Xasan Sheekh uu Eritrea ku tagay in kabadan safarrada uu ku tagay dalalka kale ee caalamka muddo xileedkiisan.

Safarkaan dambe ee hadda uu ka soo laabtay Xasan Sheekh waxaa la sheegay in Afwarki ay ka wadahadleen xiisadda Itoobiya, maadaama labada dalba ay cadowgooda koowaad u arkaan Itoobiya.

Sidoo kale waxay Xasan iyo Afwerki aad u gorfeeyeen sidii ay u sii xooji la haayeen xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Eritrea oo dano badan wadaaga.

Ciidamada ugu badan ee Soomaaliya tababarka ugu maqan waxay joogaan dalka Eritrea, taasi waxay keentay in Xasan Sheekh uu kalsooni badan u qaado dalkaas oo noqday wadanka ugu badan ee safar uu ku tegay intii uu joogay xukunka

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dooda Dastuurka Oo Meel Xasaasi ah Maraysa
Next articleWeerarkii Hotel SYL oo Xog Cusub laga Helay