Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dardargelin lahaa howlaha horyaalla Guddiga Amniga, isla markaana ay u xaqiijn lahaayeen hannaanka amniga ee doorashada dalka iyo goobaha ay ka dhaceyso.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xasuusiyay xubnaha guddiga amniga masuuliyadda adag ee loo xil saaray in ay u gutaan si mas’uuliyadi ku dheehan tahay.
Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa leh masuuliyadda hoggaaminta hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan kor joogteynta iyo la xisaabtanka guddiyada kala duwan ee ka shaqaynaya doorashada.
Guddiga amniga doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey shaqooyinka ay qabanayaan ee ay ka mid tahay in goobaha ay ka dhaceyso doorashada la geeyo ciidammo Booliis ah oo isugu jira heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo Booliiska AMISOM.
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay